Falanqaynta Xogta Caafimaadka iyadoo la adeegsanayo Excel

Categories: Excel

About Course

Bil kasta waxaad diyaarisaa warbixin caafimaad. Saacado ayaad ku bixisaa tirinta gacanta, koobiyaynta iyo hubinta oo marka qof ku weydiiyo “maxaa tallaalku hoos ugu dhacay bishan?”, jawaab ma haysatid, maxaa yeelay waqtigaagii oo dhan wuxuu ku baxay tirinta.

Koorsadan ayaa taas beddelaysa.

Falanqaynta Xogta Caafimaadka iyadoo la adeegsanayo Excel waa koorsa gebi ahaanteed Af-Soomaali lagu dhigananayo, loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, xafiisyada degmooyinka iyo hay’adaha ka shaqeeya xogta Cafiimaadka. Waxaad ku shaqayn doontaa xog u eg tan miiskaaga saaran: magacyo xarumo oo kala qoran, taariikho qoraal ah, warbixinno maqan iyo tirooyin aan macquul ahayn. Waxaad baran doontaa sida loo nadiifiyo, loo xisaabiyo tilmaamayaasha caafimaadka, loo hubiyo tayada xogta, loona dhiso dashboard is-cusboonaysiiya.

Casharkasta waa fiidiyow gaaban oo Excel-ka si toos ah loogu muujinayo, waxaana la socda fayl Excel ah oo aad la shaqayso.

Show More

Course Content

Qaybta 1 Bilowga
Waxaad ogaan doontaa waxa koorsadani kuu qaban doonto, sida ay u dhisan tahay, iyo dashboard-ka aad dhammaadka dhisi doonto. Waxaad sidoo kale ogaan doontaa waxa aad u baahan tahay si aad u bilowdo

  • 1.2 Xogta caafimaadka: halkay ka timaaddo iyo halkay ku qaldanto
    10:26
  • 1.3 Excel-ka socodsiinta bilowga
    11:23
  • 1.4 Noocyada xogta: qoraal, tiro, taariikh
    09:13
  • Quiz-Module 1

Qaybta 2aad Nadiifinta Xogta/Cleaning Health Data
Qaybtan waxaad ku baran doontaan Sida Xogta loo Nadiifiyo

Qaybta 3aad SHAQOOYINKA EXCEL / CORE FORMULAS
Qaybatan Sadexaad Ama Module 3 waxaad ku baranaysaan Shaqooyinka Muhiimka ee Excel iyo Formuloyiin aad muhiim u ah

Qaybta 4aad ISKU-XIRKA XOGTA / LOOKUPS & JOINING
Qaybtan waxaad ku Bardoonta Iskuxirka Xogta

Qaybta 5aad MIISKA PIVOT / PIVOTTABLES

Student Ratings & Reviews

No Review Yet
No Review Yet