Falanqaynta Xogta Caafimaadka iyadoo la adeegsanayo Excel
About Course
Bil kasta waxaad diyaarisaa warbixin caafimaad. Saacado ayaad ku bixisaa tirinta gacanta, koobiyaynta iyo hubinta oo marka qof ku weydiiyo “maxaa tallaalku hoos ugu dhacay bishan?”, jawaab ma haysatid, maxaa yeelay waqtigaagii oo dhan wuxuu ku baxay tirinta.
Koorsadan ayaa taas beddelaysa.
Falanqaynta Xogta Caafimaadka iyadoo la adeegsanayo Excel waa koorsa gebi ahaanteed Af-Soomaali lagu dhigananayo, loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, xafiisyada degmooyinka iyo hay’adaha ka shaqeeya xogta Cafiimaadka. Waxaad ku shaqayn doontaa xog u eg tan miiskaaga saaran: magacyo xarumo oo kala qoran, taariikho qoraal ah, warbixinno maqan iyo tirooyin aan macquul ahayn. Waxaad baran doontaa sida loo nadiifiyo, loo xisaabiyo tilmaamayaasha caafimaadka, loo hubiyo tayada xogta, loona dhiso dashboard is-cusboonaysiiya.
Casharkasta waa fiidiyow gaaban oo Excel-ka si toos ah loogu muujinayo, waxaana la socda fayl Excel ah oo aad la shaqayso.
Course Content
Qaybta 1 Bilowga
-
1.2 Xogta caafimaadka: halkay ka timaaddo iyo halkay ku qaldanto
10:26 -
1.3 Excel-ka socodsiinta bilowga
11:23 -
1.4 Noocyada xogta: qoraal, tiro, taariikh
09:13 -
Quiz-Module 1